Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax wadada dhinaceeda la dhigay uu qabsaday gaari ay la socdeen mas’uuliyiin ka tirsan deegaanka Garasbaaleey.
Qaraxaan ayaa waxaa ku dhintay sida Wararka Nagu soo gaarayaan guddoomiye ku-xigeenkii Amniga iyo siyaasada deegaanka Garasbaaley Cali Maxamed Jareere iyo guddoomiyihii ururka dhalinyarrada Cabdirashiid Dubad waxaa kaloo ku dhintay Labo ka tirsan ilaalada Masuuliyiintaas.
Illaa hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxa, waxaase loo malaynayaa inay ka dambeeyaan kooxda argagixisada Al-Shabaab.
Leave a Reply