
Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta hab maqal iyo muuqaal ah kulan kula yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka u qaabilsan Soomaaliya oo uu hoggaaminayo ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan.
Kulanka ayaa looga hadlay Xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan xal u helida tabashooyinka la xiriira Doorashada.
Wakiilada beesha Caalamka ayaa horay kulan ula qaatay Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyagoo kawada hadlay sidii dalka Doorasho uga dhici lahayd.
Leave a Reply