Madaxweynaha Maamulka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta qadka internet ka shir kula yeeshay qaar ka mid ah wakiilada beesha caalamka u fadhiya Soomaaliya.
Shirkaan oo uu soo qaban qaabiyay Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qeyb galay wakiilo ka kala socday Midowga yurub, Mareykanka, Ingiriiska, Sweden iyo midowga Afrika.
Shirka ayaa diirradda lagu saaray xaaladihii u danbeeyay ee hanaanka doorashada dalka ee 2021.
Wakiilada Caalamka ayaa horay u ula shiray Madaxwaynayaasha Puntland iyo Jubbaland.
Leave a Reply