Magaakada Muqdisho gaar ahaan Degmada Shibis waxaa maanta ka dhacay qarax loo adeegsaday Miinada dhulka la geliyo, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira Dhimasho & Dhaawac.
Ilo Qaraxa ayaa lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo ay wateen mas’uuliyiin kala duwan, waxaana kamid ah Xildhibaan hore Muxidiin Xasan Afrax & Imaam Maxamed Yuusuf, waxyeelada ugu badan waxa ay gaartay ilaalada la socotay oo la xaqiijiyay geerida labo ruux iyo dhaawac kuwo kale
Ciidamada Dowladda federaalka goobta gaaray ayaa sameeyay howlgal ay ku raadinayaan dadka ay ku tuhmayaan ama ay la xiriirnayaan in ay wax ka ogaayeen qaraxa miinada ah .
Leave a Reply