Deni oo ka Tacsiyeeyey Geeridii Suldaan Carabduur

deni

Madaxweynaha Maamulka Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Dowladdaba waxa uu ka tacsiyeeynaya geerida Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Suldaan Cabdullaahi Xaaji Nuur ( Carabduur ), oo caawa ku geeriyooday Garoowe.

Suldaan Cabdullaahi Xaaji Nuur (Carabduur) ayaa ka mid ahaa Aasaasayaashii Puntland, wuxuu waxbadan kasoo shaqeeyay Nabadda iyo horumarka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland waxa uu tiiraanyada geerida Marxuumka la wadaagayaa ummadda Soomaaliyeed, Shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay marxuumku, waxa uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro , Jannatul  fardawsana ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo eheladiisii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.