Soomaaliyeey Dhagarqabe Dal Ma Dhisaa???W/Q Dhiblaawe

shariif

Waa su’aal da’weyn oo aan madaxa daalineyn Maxaa igu kalifay in aan idiin soo bandhigo koley jawaabta qof kasta oo Soomaaliya waa hubaa in uu si sahlan u heli karo ama aan dhaho waa yaqaan.

Qaar baa qabyaaladu ka leexisaa runta iyo xaqa oo aan ogayn in kaligood qabri la gelin doono  asaga oo aan khiyaar lahayn, bal kaba sii darane waxay dhagaha ka fureysteen maalinta shidada badan ee dhererkeeda Lagu sheegay 50,000 oo maalmood oo dunida ah waxaa kale oo amakaak ah cadaabta lagu waaraayo  oo aan dhammaaneyn oo qabyaaladu ilowsiisay Allaah ma is dhihi karnaa qabyaaladu waa cadowga ugu weyn dunida iyo aakhiraba qofku leeyahay.

Aan si kooban ujeedada u soo bandhigo aqoonyahano, suxufiyiin iyo waxgarad Soomaaliya baa marar badan soo bandhigay dhagarqabayaal dalka iyo dadkaba adduun lacageed siistay ama hadda ku hawlan iibsiga geyiga Soomaaliyeed iyo dadkiisaba fadlan dhegeysta warbixintaan waa nin cadaana oo ajanabi ah oo ka waramaya hagardaamada aan dhamaanayn oo dhagarqabayaashu u geysteen shacbiga Soomaaliyeed iyo jiilasha danbe ee dhalan doona.

Iimaanlaawayaashu waxay kaliya oo maanka ku hayaan lacag badan in ay sameeyaan ayaga oo iska indha tiraaya dhibaatada degaanka iyo dadka u geysanayo,haddana waa yaabe waxay ku dhexmilan yihiin qabaailadooda ayaga oo doonaaya in ay helaan fursad  kale oo dalka iyo dadkiisa ku dhibaateeyaan,bal ila eega raga aad wada garan kartaan ee maalinba reerahooda shirinaaya ee xildoonka ah kuna kacay dhibaatooyinka hoose:-

1-Sunta haraadiga nucleyrka ee lagu shubay xeebaha Soomaaliya ninkii lacagta ku doorsaday dabaqyo buu Xamar ka dhistay,haddana maalin kasta wuxuu shirinayaa qabiil.

2-Kuwii iibsaday badda Soomaaliya oo dhaafsaday maal aduunyo baa maalin kasta reerahooda shirinaaya oo raadinaaya in ay helaan furshad kale oo ay qaranka ku qiyaameeyaan,kuna sameyaan lacag badan.

3-kuwo kale waxay u shaqaynayaan dawlado shisheeye oo doonaaya labada arimood oo sare ku qoran iyo wax ka sii fool xun in ay dalkayaga ku sameeyaan,waxaa nala ku kala qaybiyey xeelado badan badan,sida mid nacfi lacageed la siiyey,mid durbaan qaybiil loo tumay iyo xuduudo federal lagu sheegay oo qabyaaladeysan,dhammaan arimaas waxay salka ku hayaan fikirka gumeysiga ee ah qaybi oo xukun

Ugu denbayn kooxda aan sare ku xusay oo dano kale duwan leh ee aan doonahayn in aanu yeelano dawlad degan oo awood leh waa kuwa isku bahaystay Hoteel Jasiira,waayo haddii awooda dalku ay ku soo noqoto gacanta shacbiga oo qof ay doorteen xukunka qabto waxay ka baqayaan in ama la xirxiro ama ay waayaan danahooda dhaqaale raadiska ah.

Ugu denbayn ma haboon tahay in meel looga soo wada jeesto oo weliba dufeska qabiilka ay dabada la galayaan qabiilka laftiisu ka soo saaro,waayo waa in ay u arkaan in qabiilka dhiigiisa uu ka macaashayo,sidaas awgeed nin mar na siray yuu markale na dagin

Wabilaahi Towfiiq, Fadalan sheergaree.

dhiblaawe

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.