Banaanbax si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ka qayb galeen qaybaha kaladuwan ee Bulshada Gobolka Banaadir iyo Mas’uuliyiin kala duwan oo isugu jiray Xildhibaanno, Wasiirro iyo Mas’uuliyiinta ugu sarreysa Gobolka Banaadir ayaa ka dhacay Taalada Daljirka Daahsoon ee Magaalada Muqdisho.
Bannaanbaxa oo si weyn looga dareemay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa si weyn loogu taageeray Go’aankii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed farmaajo uu ku saxiixay 13-ka kursi ee Gobolka Banaadir uu ku yeelan doono Golaha Aqalka sare , waxaana Goobta Bananbaxa ka dhacay ka hadlay masuuliyiin ay kamid yihiin Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish iyo xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Soomaaliya.
Leave a Reply