Deegaanka Xananbuure ee ka tirsan gobolka galgaduud ayaa waxa kajira dagaal u dhaxeeya Labo beelood oo daga galmudug kaas oo socda Mudo ku dhow Todobaad, waxaana dagaalkaan wada Siyaasiyiin goobaya inay kamid noqdaan Barlamaanka Aqalka hoose ee dhawaan la dooran doono.
Dagaalkaan oo gaystay qasaaro isugu jira Dhimasho, dhaawac iyo Barakicin ayaa waxaa lagu eedeeyey inay abaabuleen Xildhibaano ka tirsan barlamaanka Soomaaliya oo kala ha Mahad Salaad iyo Xildhibaan Cabdirixmaan Odawaa.
Af-hayeenka Maamulka Dhuusamareeb Bashiir Sanka oo warbaahinta la hadley ayaa sheegay in ay jiraan siyaasiyiin kuraas ku raadinaya hurinta colaada ka aloosan Deegaanka Xananbuurre, isagoo ku baaqey in dirirtaasi lagu joojiyo shuruud la’aan.
Leave a Reply