Magaalada Dhuusamareeb Xarunta Maamulka Galmudug ee uu ka socda Shirka looga hadlayo Doorashada ee u dhaxeeya Madaxda Dowlada Federaalka iyo Madaxwaynayaasha Maamul Goboleedyada waxaa habeenkii Labaad lagu weeraray Hoobiyaal.
Duleedka Magaalada Dhuusamareeb waxaa lagu soo tuuray Hoobiyaal Dhowr ah waxaana Xigay dagaal daqiiqado socday oo u dhaxeeya Ciidamada Xooga dalka iyo Kooxda Argagixisada Alshabaab.
Ciidamada Xooga Dalka ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa Sheegay in laga hortagay kooxdii weerarka soo qaaday lana fashiliyey weerarkoodii ay rabeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.
Leave a Reply