Shirkii madaxda Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo muddo 5 maalmood ah ka socday Magaalada Samareeb ee caasimadda Galmudug ayaa caawa la soo gebegebeeyey. Arimaha ugu waaweyn ee lagaga wada hadlay waxa kamid ahaa:
Guddiyada Doorashada, guddida doorashada Somaliland iyo maamulka doorashada Gobolka Gedo
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliaya Cismaan Dubbe oo warbaahinta kula hadlay Dhusamareeb ayaa sheegay in aan wax natiijo ah laga gaarin shirkii madaxda ee doorashada looga hadlayey, isagoo tilmamay in arinta Gobolka Gedo iyo Gudiga doorashada xildhibaanada Soomaaliland aan wax xal ah laga gaarin, dowlada Soomaaliyana ay tanaasul badan ka samaysay labadaas qodob balse Jubaland iyo Gudoomiye Cabdi xaashi ay xalkii diideen.
Wasiir Dubbe Wuxuu sheegay in madaxwayne Farmaajo soo jeediyey in kulan dambe laysugu yimaado madaama uu berri ka qayb galayo Kulanka wada jirka ah ee labada Aqal ee barlamaanka Soomaaliya Muqdisho ku yeelanayo, wakhtuga kulanka iyo goobta lagu qabanayana dib laga soo sheegi doono.
Leave a Reply