Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta khudbad ka jeediyay kulankii gaarka ahaa ee Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ku yeeshee Xarunta Villa Hargeysa.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka dhacaya oo weli muran xoogan uu ka taagan yahay, iyadoona uu natiijo la’aan kusoo dhammaaday Shirkii Dhuusamareeb.
Madaxweyaha SoomaaliyaMaxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ku eedeeyey Siciid Deni in uu ahaa qofkii qoray heshiiskii 17kii September, haddana ka hor yimid isla qoraalkiisii.
Leave a Reply