Muddo xileedkii afarta sano ee Madaxweyne farmaajo ayaa caawa ku eg, hubaal in quluubta shacabka uu Madaxweynuhu hantay, danleyduse rucla-orad umayara tan iyo markii uu farmaajo xafiiska yimid afar sano kahor.
Madaxweynaha dalka khudbadii uu shalay baarlamaanka kajeediyey oo daarneyd in waajibkooda dastuuriga ah uu mudanayaasha ku dhiirra-geliyo in uu middo labaad oo ah in la iska diido inuu dhaco firaaq dastuuri ah ayaa geesta kale sheegay in faragalinta shisheeye ay xargaha goosatay.
Hadda go’aanka iyo masiirka dalka wuxuu gacanta ugu jiraa Golaha shacabka, waxaana muuqata in waajibkooda dastuuriga ah ay ka gudan doonaan halka ay hadda xaalad mareyso. Bulshada waxay markasta u hogaansantahay go’aanka madaxda qaranka, waxaana cidkasta ay ku hanweyntahay in muddo xileedka Madaxweynaha ay u socoto inta doorasho gacanta shacabka ay ku ciil baxaan laga gaarayo.
Madaxweynaha iyo hay’adaha kale ee dalka waxaa xeeran in ay xafiiska sii joogaan illaa laga baddalo ama dib loo doorto, tani waxay meesha ka saareysaa taaha danleyda oo u haysta 8 february in lagu kala tagayo masiirka dalka iyo aayahiisaba, waxaase arinkaas gaashaanka u daruuray hoggaanka dalka oo masuuliyad wadaniyadeed iyo biseylba muujiyay.
8 february maalintii ay soomaaliya guuleysatay, oo daba-dhilif iyo shisheeyaba ay karkaarka weydaarteen, waa markale iyo muddo xileed horleh oo bulshada inta kadhiman loogu adeego.
#OgaalkiinnaMaala.
Leave a Reply