Wasaaradda caafimaadka dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta lawareegtay isbitaal qalabeysan oo ay dhistay hay.adda Save kaasi oo laga hirgaliyay magaalada Beledweyne.
Qorane Maxamuud Indhoy oo katirsan Wasaaradda caafimaadka Hirshabeelle ayaa umahad celiyay hay.adda save sida ay ugu qeyb qaadaneyso hormarinta adeegyada caafimadka Hirshabeelle.
Qaar kamid ah bulshada magaalada Beledweyne oo ka qeyb galay munaasabada isbitaalka lagu warejinayay ayaa ka mhadceliyay dhinacooda isbitaalka laga hergaliyay Beledweyne.
Maxamed Abuukar Cabdule Madaxa hay.adda Save ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay sii wadi doonto caawinta isbitaalka maanta ay ku warejiyeen maamulka Hirshabeele si uu u guto waajibaadka loo aas aasay.
Leave a Reply