Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa shaaciyay waqtiga uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka hortegayo Xildhibaanada Baarlamaanka.
Qorshuhu wuxuu ahaa in Ra’iisul Wasaare Rooble uu baarlamaanka ka jeediyo khudbad uu uga warbixinayo boqolkii maalmood ee ay xukuumaddiisa jirtay.
Hase yeeshee mudaneyaasha ayaa sheegay in sida sharciga ah la doonayo in Ra’iisul Wasaaraha Warbixintiisa uu soo gudbiyo 24 saacadood ka hor inta uusan baarlamaanka imaanin, taasina aysan dhicin.
Guddoomiyaha Baarlamaanka, Maxamed Mursal, ayaa ugu dambeyn sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu baarlamaanka imaan doono maalinta Arbacada ah.
Leave a Reply