Wasiirka warfaanta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaarada warfaafinta ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Kenya ay codsatay in dib loo dhigo dhageysiga kiiska bada markii 4 aad.
Wasiir dube ayaa sheegay inay tiri kenya “Waxaa nagala xaday, bay yiraahdeen, maap muhiim noo ahaa oo aan u maleynayo in uu gacanta u galay dadka aan is-hayno, arrintaas oo ah quraafaad,”
Wasiir warfaafinta oo sii hadlayay ayaa sheegay in Kenya ayaa sidoo kale waxay ku doodeysaa in aysan Soomaaliya ka jirin dowlad sharci ah.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliya ay gabi ahaanba kasoo horjeesatay codsiga xukuumadda Nairobi ayna warqad u direen Maxkamadda Cadaalada Aduunka.
“Hadii dhageysiga dib loo dhigo waxay dhabar-jab ku tahay cadaaladda aduunka,” ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka oo u muuqda mid uga digaya ICJ in ay mar kale baajiso go’aan ka gaarista kiiska.
Wasiir Dube ayaa mucaaradka ku eedeeyay in aysan ka hadlin muranka Bada ayna la shaqeynayaan Cadowga Soomaaliya.
Wasiir Dubbe ayaa Saxaafadda soomalida kula taliyaya in ay hal daraf ka noqdaan kiiska isaga oo hoosta ka xariiqay in Soomaaliya aysan marnaba aqbali doonin in dib loo dhigo kiiska bada.
Leave a Reply