Madaxwayne farmaajo oo ka Tacsiyeeyey geeridii Suldaan Maxamed

suldaanmaxamed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada, dhaqanka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulqaadir Suldaan Cabdullaahi oo ku geeriyooday magaalada Hargaysa.

Madaxweynaha oo tilmaamay in Marxuumku uu door muuqda kasoo qaatay dib u heshiisiinta, adkeynta wadajirka iyo dadaalladii dib u dhiska dowladnimada Soomaaliyeed ayaa si gaar ah uga tacsiyeeyey Isimada iyo guud ahaan hoggaanka dhaqanka Soomaaliland geerida ku timid Marxuumka oo ahaa Suldaankii Guud ee Soomaaliland.

“Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulqaadir waxa uu ka soo qeyb qaatay nabadeynta iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed. Waxa uu ka mid ahaa hormuudka dhaqanka Soomaaliyeed ee dadaalka ku bixiyey dib u yagleelidda Qarannimada dalkeenna iyo wadajirka shacabkeenna, isaga oo si gaar ah uga qeyb qaatay Shirkii Carta 2000, kana mid noqday Xildhibaannadii Dowladdii Kumeelgaarka ahayd.

” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.