Maxaa Kulmiyey Dhawaaqa Danleyda Siyaasadeed iyo Bayaanka ka soo Baxay kenya

mucaarad

Lixdii bilood ee na dhaaftay  kooxda ka ganacsata siyaasada waxay nagu shubayeen dalka, halka Farmaajo u wado la garaneyn, laakiin maanta oo taariikhdu tahay 11/02/2021 aniga shaki awalba ma qabina intii ay jahawareeriyeen halka madaxweyne maxamed Cabdullaahi (FARMAAJO) dalka u waday waa cadahay,waxaana noo ifiyey sheegashada Keenya sheegatay  qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya iyo marmarsiinyaha ay la timid in mar afraad dib loo dhigo dacwada badda maadaama aan Soomaaliya ka jirin dawlad lala xaali karo. 

Kooxda ka ganacsata siyaasada waxay ku celcelinayeen in 08/ 02/2021 madaxweyne u aqoonsan mayno,haddana la taagan yihiin Farmaajo madaxweyne maaha ee madaxtooyada ha ka soo baxo, (DIBIGA INA NAASA ADAG IYO LABADA WEER MAXAA KULMIYEY), maxaa kulmiyey dawladaha Keenya iyo Imaaraadka in ay dhahaan dawlad lala xaali karo Soomaaliya kama jirto,haddii Farmaajo ka tago Madaxtooyada ma Uhuuri Kenyaatti bay u banaynayaan? Tan kale bal baddii la soo dhaafe ganacsatada siyaasada dalka Soomaaliya  Keenya miyey gacan ku siinayaan qayb ka mid ah sheegashada dhulka Soomaaliya wax ka dhaha,aniga oo ah oday Dhiblaawe waxaan ku fikar ahay ina Ahlan wasahlan ee fikirkiisa soo bandhigay asaga oo jooga Guriceel gobolka galgaduud hoos ka dhegaysta.

Aan soo gunaanado,(MAHARIN HADAL LAYS YIRAAHDAA EE HUBSIINO HALBAA LA SIISTAA Ina Ahlan wasahlan baa hadal dhameyey ee meel kasta ee Soomaali joogto aqoonyahan,dhalinyaro,haween,oday dhaqameed iyo culumada Soomaaliyeed aan baraarugno oo u istaagno in aan dalka difaacano iyo diintaba (ALLAAHU AKBAR}, waa jahaad mar haddii baddii iyo berigiiba nala ku haysto,si gaara culumada Soomaaliyeed waa ilaahay horti waxaan u soo jeedinayaa in ay caddeeyaan oo ummadda Soomaalida u sheegaan kuwa si cad u lahaa Keenya waa laga gardaran yahay iyo Keenyada dhulka iyo badda nagu haysata waxay ku kala duwan yihiin iyo in ay banaan tahay  in lagu jahaado nacaybka qof shaqsiya ka hadli mayo,aniga Dhiblaawe ah in qofkii Diinta  yaqaana oo culumaa ii nasteexeeyo, waan weydiisanayaa Illaahay hortiisa,haddii uu akhriyo qoraakaygaan. 

Ugu danbayn aan u wada istaagno  difaaca dhulka hooyo iyo Diinta waa isku xiran yihiin oo ma kala maarmaan,waxaana ku talinayaa in aan banaanbax meel kasta laga sameeyo aan dareenkeena muujino si loo ogaado in aan dalkayagu baylah ahayn.

FIIRA GAAR AH;-Axmed Madoobe muxuu uga jawaabi waayey in aan jubaland Keenya lahayn ee ay Soomaaliya tahay asaguna madaxweyne ka yahay?waa marqaati ma doonto tilamaan u ah kooxda shiyeeyaha u shaqaynaaya,waxaana cad in Deni iyo Axmed oo loo xilsaaray in aan doorasho dhicin iyo kooxda danleeyda siyaasada oo u xilsaaran in ay ka sameeyaan Muqdishou wixii ka danbeeya 08/02/2021,waxaase amaan mudan shcbiga Xamar oo dhagarta iyo qiyaanada shisheeye u adeegaa ee kooxda danleyda siyaasada.

Wabilaahi towfiiq  .

Dhiblaawe.                              

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.