Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee golaha shacabka Soomaaliyeed Cabdiwali Ibraahim Sheekh Muudeyayaa si diiran waxaa loogu soo dhaweeyey Magaalada Baydhabo.
U jeedada wefdiga Cabdiwali Ibraahim Sheekh Muudey ayaa ah is xog wareysi ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo midda dowlad gobaleedka Koonfur-Galbeed isaga oo uu kala yeelan doono madaxda dowlad gobaleedka Koonfur-Galbeed oo uu ugu horeeyo madaxweynaha dowlad gobaleedka koonfur-Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.
Waxaa garoonka diyaaradaha ee Shaati Gaduud ku soo dhaweeyey guddoomiye kuxigeenada 1aad iyo labaad ee barlamaanka dowlad gobaleedka Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya.
Leave a Reply