Magaalada Baydhabo ee Caasimadda Kumeel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed waxaa maanta Soo Gaaray Guddiga Farsamada ee ka socda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
Guddigaan oo ka kooban 14-xubnoo ayaa waxaa Baydhabo uga furmay Shir looga hadlayo qodobada la isku mari waayay ee sababta u noqday fashilka shirkii Madaxda ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb.
Kulankaan gudiyada uga Furmay Magaalada baydhabo ayaa waxaa laga filaayaa inay kasoo baxaan Talooyin isu soo dhaweeya Madaxda Dowlada iyo Maamulka Jubbaland.
Leave a Reply