Askari Ka tirsan Ilaalada Axmed madoobe ayaa dil Kismaayo ugu gaystay Wiil aad u da’yar

kismaayodil

Waxaa saakay Magaalada kismaayo ee Xarunta ku meel gaarka ah ee maamulka Jubbaland lagu dilay Mohamed Hassan Diiriye oo loo garan ogyahay “Mohamed Aamiin“.

Maxamed wuxuu ahaa sida ay sheegayaan dadka ehelkiisa ah wiil dhalinyara ah oo heerka koowaad ee jaamacadda hadda bogayey.

Illaahay ha u naxariistee mohamed waxaa si bareer ah madaxa Xabad uga dhuftay mid kamid ah ciidanka Axmed Madoobe gaar ahaan ilaalada Madaxtooyada waxaana loo dilay haybtiisa.

Marxuumka dhintay waxay isku beel yihiin Madaxwayne kuxigeenka Jubbaland maxamuud sayid waana qofkii Tobnaad oo bilo gudaheed lagu dilo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.