Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay maqaayad ku talaa Muqdisho

qarax

Weerar Argagixisanimo ayaa lala beegsaday Maqaayadda Luul Yamani ayaa waxuu sababay khasaaro isugu jirta dhimasho, dhaawac iyo bur bur hantiyeed.

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa xiray Goobta uu qaraxa ka dhacay, iyagoona dadka u diidaya in ay ka soo agdhawaadaan nawaaxiga Maqaayada Luul Yemeni oo ku taala degmada Xamar weyne.

Taliska Boliiska Soomaaliyeed ayaa laga Sugayaa inay dhawaan shaaciyaan qasaaraha uu gaystay qaraxaan.

Waa markii labaad ee ay argagixisada Al-Shabaab fal nucaani oo kale ah ka geystaan Maqaayadda Luul Yamani, waxaana ay ahayd 3-dii August ee sanadkii 2020 uu qof soo xirtay jaakad walxaha qarxa ay ku xiran yihiin uu qarax ka geystay iridda hore ee Maqaayadda, halkaasi oo ay ku dhinteen labo qof halka qofkalena uu ku dhaawacmay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.