Ra’iisalwasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxuu ka hadlay sababta uu fashilmay Shirkii u dhaxeeyey Dowlada iyo Midowga Musharaxiinta.
Qoraal uu R’iisalwasaare Rooble soo dhigay bartiisa Facebooga ayaa waxuu uu qornaa sidaan.
Shirkii aan la qaatay Midowga Musharaxiinta, waxaan sameynay tanaasul badan. Qodobbadii aan ka hadalnay waan isku raacnay marka laga reebo qodob ay ku adkeysteen oo ah in laga qeyb galiyo shirka Madasha Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, taas oo la macne ah in dib loo furfuro heshiiskii 17-kii September,2020, oo aanan kaligey xaq u lahayn wax ka baddelkiisa.
Waxaa kaloo Rooble Sheegay in albaabadiisa u furan yihiin wada hadal iyo is-qancin, si aan xal kama dambeys ah u gaarno dalkana uga hirgalinno doorasho hufan oo si nabad ah ku dhacda.
Leave a Reply