Madaxwayne Kuxigeenka Jubbaland oo Safar Caafimaad ku maqnaa ayaa Kismaayo kusoo laabtay

sayid

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Maamul goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo Safar Caafimaad ugu maqnaa dalka Kenya ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo, waxaana loo sameeyey soo dhoweyn.

Soo dhaweynta Madaxweynaha ayaa waxa kasoo qeyb galay masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Dowladda Jubbland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa u mahadceliyay dhammaan masuuliyiintii kusoo dhoweysay garoonka Sayid Maxamed Cabdulle Xassan ee magaalada Kismaayo, sidoo kale madaxweynaha waxa uu ka hadlay xaalada cakiran ee siyaasadda Soomaaliya , abaaraha ka jira deegaanada hoos yimaada Jubbaland gaar ahaan gobolka Gedo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.