Gar waa loo wada islaam dabaylo colaadeed ee la afuufaayo siyaasado isdiidan doorashadii oo in ay dhacdo laga hortaagan yahay dawlada Soomaaliya qabashadeeda, shisheeye faraha kula jira arimaha Soomaaliya iyo kuwo midabka iyo dhalashada Soomaali ka ah oo loo adeegsanaayo burburinta qaranka Soomaaliyeed lama yaabani arimahaas, oo dhan waayo qaa’inuwadan iyo jaajuus dalkiisa iyo dadkiisa adduunyo lacageed dhaafsada wax cusub maaha, dawlado xoog lahaa ee la burburiyo waa na soo mareen, aan ka xusno Afganistaan ,Ciraaq, Yeman,S iiriya, liibiya, Jeslafaakiya oo ahayd dawlad weyn oo adduunyada magac ku lahayd maanta aan magaceeda laga helayn qariidada adduunka ama maabka adduunka iyo teenii Afrikada ugu itaalka rooneyd ee daadka lagu daray 1991kii.
Waxaa Ayaan daraa in aadanahu uu ka faa’ideysan sooyaalka taariikhda si aan loogu guban dhacdooyin ay eedeen jiilal kaa horeeyey, dhacdo wanaagsan oo hortaa dhacdayna aadan ka ilduufin ee hadday ku soo marto aad ku habsatid ama ku dhegtid oo ka faa’ideysatid si aad guusha u gaarto, intaas waxaa wehliya maxaa geyiga Soomaaliya manta ka taagan? Sida aan u arko anigu waa tii la yiri (MAAN DAD WAA MUDACYO CAARADOOD) AMA (KAB GANTAALEED NINBA DHAN BAY ISKA TUSTAA).
Waxaan jeclahay in aan su’aalahaan idin hordhigo oo u baahan qof kasta in uu shaqo guri u qaato (home work) kana jawaabo;-
1-Maxay dawlada imaraadku u tiri Soomaaliya dawlad kama jirto?
2-Maxay Keenya dacwada badda iskugu dayday in ayyan dawladi ka jirin Soomaaliya in dib loo dhigo?
3-Maxay kooxa qaswadayaashaa ee Xamar ugu dhawaaqeen dalka dawlad kama jirto.
4- Keenya iyo Imaaraadku maxay ku diidan yihiin cududa ciidamada qalabsida ee Soomaaliya ee koreysa?
5-Maxay Deni iyo Axmed Madoobe oo shan jeer loo tanaasuley u hortaagan yihiin doorashada?
6-Maxaa Deni iyo Axmed ayyagana ka keenay dawlad ma leh dalku?
7- Kooxda Xamar iyo maamulada labada ah, Keenya iyo Imaaraadku maxay uga siman yihiin diidmada dhismaha ciidanka qalabk sida ee Soomaaliya oo gaarsiiyey in dhismahooda lagu eedeeyo Dawlada Turkiga?
8-Kursi dawladeed oo banaanaada yaa taariikhda ku haya?
9-Haddii uu banaanaado maxaa dhacaya?
10-ugu denbayn qof kasta oo Soomaaliya markii uu si dereen wadaniyadeed leh uga jawaabo su’aalahaan waxa nala gudboon ha cabiro?
Aan soo gunaanado dad fara ku tiris ah oo culumo ku jirto oo uu u denbeeyey Shiikh UMAL sida ay xaalada maanta u cabireen uma bogin Shiikhu wax badan oo saxa wuu sheegay laakiin in Keenya, Imaaraadka iyo kooxaxa qarandumiska ah oo naloo soo adeegsaday waa sida aan annigu qabee ayuu ku taliyey Farmaajo kursiga yuu isku dhejin ha tanaasulo dadka Soomaaliyeedna yey gacmaha laabane ha ka ceen See indin la tahay Soomaaliyeey?.
Sigaara culumadu ha ka jawaabeen annaga oo wada og in lix jeer dawlada Soomaaliya tanaasushay sidii doorasho u dhici lahayd oo ah Samareeb 1,2,3,4, Seb.17 iyo Baydhabo, miyey maanta ha boon tahay in dawlada aniga oo aan kala saareyn hay’adaheeda Farmaajana far gaara ku fiiqeyn ileyn saddexda qaybood oo dawladu ka kooban tahay waa isku xiran tahaye kala taga ciidamadana lagu guubaabiyo in ayyan amar qaadan ee kala tagaan? Waa sida Shiikh Umal iyo mucaaradku hadalka u dhigeene!!!
Waxaan ku soo gunaanadayaa qofkii Soomaaliya ee aqoon leh mid Diiniya iyo mid maadiya si Alle ka cabsi leh ee qabyaalad ka fog ha uga hadlo Alle asaga oo uga cabsanaaya su’aalahaan ku gadaaman mustaqbalka denbe ee caruurteena ee isku xiran dhammaan umadda Soomaalida ah.
Wabilaahi Towfiiq,
Dhiblaawe
Leave a Reply