Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho ku qaabilay Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya, kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam.
Deni ayaa Muqdisho ka bilaabay shirar gaar gaar ah oo tan iyo markii uu yimid caasumada, iyagoo dhageysanaya tallooyinka iyo fikradaha Musharaxiinta iyo dhinacyada kale ee siyaasadda.
Shirkan ayaa looga hadlayaa arrimaha doorashada, xiisadihii ka dhacay magaalada 19 February iyo sidii caqabadaha ka jira doorashada xal looga gaari lahaa.
Imaatinka Deni iyo axmed Madoobe ayaa waxuu yimid kadib markii Beesha caalamka ay Culays ku saartay inay Muqdisho yimaadaan.
Leave a Reply