
In ka badan 70 arday oo dhamaysatay waxbarashada dugsiga ee deegaannada hoos taga maamulka Galmudug oo deeq waxbarasho ka helay dalka Turkey ayaa maanta ka ambabaxaya magaalada Muqdisho.
Ardayda u safraysa dalkaTurkey ayaa lagu kala saaray kaalmihii ay ka galeen imtixaan ay qaadeen jaamacadaha siiyay deeqda, sida uu VOA- da u sheegay wasiirka waxbarashada ee dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Dhoorre, oo hadda ku sugan magaalada Dhuusamareeb.
Wasiir Maxamed Xaashi Dhoorre ayaa isagoo ku sugan magaalada Dhuusomareeb u waramay wariyahayaga Cabdulqaadir Maxamed Mursal Samakaab.
Leave a Reply