Dowladda Kenya ayaa waxaa la sheegay inay ka baxday dhageysiga Dacwadda Badda ee kala dhexeeysa dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo la filayo in maalinta berri dhageysigeeda ka bilaabato Maxkamadda Cadaalada aduunka ICJ.
Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa dalka kenya ayaa qoray inay Kenya ku wargalisay Maxkamadda ICJ in aysan ka qeyb geli doonin dhageysiga Dacwadda Badda, iyadoo sabab uga dhigtay Cudurka COVID-19.
Warbixinta uu qoray Wargeyska ayaa waxaa lagu sheegay in Kenya ay Maxkamadda Cadaalada aduunka ee ICJ ku eedeysay u jeen-jeerto dhinaca dowladda Soomaaliya, sidoo kalena ay horey u diiday Maxkamadda u Codsi ay u soo direen.
Leave a Reply