
Gobolka Gedo ayaa waxaa ka Jira abaaro aad u daran kuwaas oo wax yeelo u gaystay dadkii iyo Duunyadii, waxaana Gedo laga Bilaabay biyo dhaamin loogu gurmanayo dadka oonka iyo haraadka u dhimanaya.
Dhaqaalo laga soo Aruuriyey Jaaliyada soomaliyeed ee Magaalada London ee dalka UK ayaa waxaa la garsiiyey Gobolka Gedo Gaar ahaan Deegaano u dhow Degmada Baladxaawo, waxaana dhaqaalahaan lasii mariyey Hay’ada samafalka ee Alraxma Foundation for education and development.
Leave a Reply