Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo maanta soo gaaray magaalada Muqdishu ayaa kulan la qaatay Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan.
Madaxweynaha Galmudug iyo ergeyga gaarka ah ayaa ka wada hadlay dadaalada beesha caalamka ay ugu jirto qabsoomidda Shir lagu dhameystirayo arrimaha doorashooyinka gaar ahaana heshiiskii 17kii September 2020 ee Muqdishu iyo shirarkii guddiyada farso ee Baydhabo kusoo gabogaboobay 16ki Febraayo 2021.
Madaxwaynaha Galmudug iyo Madaxwaynaha koonfurgalbeed ayaa horay u diiday inay shir uga qayb galaan Gudaha xarunta Xalane.
Leave a Reply