Uk oo Xayiraad Saartay dadka ka imaanaya Soomaaliya iyo Itoobiya

somaliyanad ethopia

Dowlada Ingiriiska ayaa sheegtay afar dal oo ay ku jiraan Soomaaliya iyo Itoobiya lagu daray liiska dalalka aan dadkooda loo ogoleyn inay ingiriiska yimaadaan sababo la xariira yaranta faafida Cudarka Coronaha.

Dowlada Ingiriiska ayaa sheegtay dadka haysta baasaboorada Ingiriiska ama Irish, ama kuwa xaq u leh inay muddo dheer sii joogaan dalka Uk, waa imaan karaa laakiin waxay ku qasbanaan doonaan inay dagaan hoteel mudo 10 maalmood ah markay yimaadaan ayna bixiyaan lacagta ku baxaysa Hoteelka oo dhan 1750 giniga sterlinka ah.

Tallaabooyinka cusub ayaa dhaqan galaya 19 Marso 2021 4-ta galabnimo ee Jimcaha wadamada cusub ee lagu daray liiska ayaa kala Cumaan, Qatar, Soomaaliya iyo Itoobiya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.