Muxuu Ka dhigan yahay go’aanka kooxda Xaraash qaran ee labaxay badbaado Qaran? W/Q dhiblaawe

mucaarad

Waxaan jeclaan lahaa in walaala hayga Soomaalida ah aan marka hore la wadaago in magaca dhegahayaga ku batay ee kooxda isku magacawday musharaxiinta uu yahay magac nimankaas Booliyeen ama aan fasiree waa magac ayaan lahayn oo si sharcidaro ah ay u sheegteen, haddii aan si kale oo dhalinyarada reer magaalka ah aan u fududeeyo waa is qorayaal aan sababeeyo, waxaan wada ognahay in markii hore dalka loo asteeyey doorasho qof iyo cod iyo tartan xisbiyeed, waxaana la diwaangeliyey xisbiyo gaaraaya boqol ama wax ku dhaw mid kasta nin baa u sharaxnaa,haddaba 12ka nine ee Jasiira maahee aaway intii kale? Dhamaantood waa musharaxsuge dawraaya sharciga iyo inta baarlamaan la soo dooranaayo,magaca musharx madaxweyne waxaa la sheegan karaa marka uu qofku arji gudubsado oo laga qabto  warqadii musharaxnimada iyo tii lacagqabashada uu isku soo xiro ,sidaas awgeed sharciyan waa been abuur in ay sheegtaan mausharixiin madaxweyne iyo in ay beelahooda iyo dadka ma kasta ah ku beerdulucsadaan.

Waxaan kale oo iftiiminayaa marka dawladaha aan is hayno sida Keenya iyo imaaraadka wax na dhexyaalaan ama laysku dayo in doorashada horey loo wado maxay xaalad u abuuraan?

1-Bal eega afar jeer oo Keenya doorashada dib ha loo dhigo tiri xaalad bay abuurayeen.

2-shirarkii Samareeb 1,2,3,4,Seb,17kii iyo Baydhabo xaalad bay abuurayeen.

3-Xiriirkii la kala jartay Keenya xaalad bay abuurayeen.

4-Soomaaliya Dawladi kama jirto ee Keenya iyo Imaaradka ku dhawaaqeen waa ku raaceen oo xaalad by abuureen.

5-Ciidamada Soomaaliya ee xuduuda la geeyey xaalad bay ka abuureen.

6-Maanta oo ah 19/03/21 oo shalay laga diidey in Keenya dacwadii ay horey u qaadacday ku soo laabato, dacwadiina la soo afjaray waxay ku dhawaaqeen gudiga badbaadada qaranka oo micnuhu yahay dawlad ma jirto (BAROORTU ORGIGA KA WEYN ) Madaxwenaha in loo jeedo ka weyn arintu ee hay’adaha dawlada oo dhan bay quseysaa gole wasiiro , baarlamaan, garsoorka iyo ciidamada qalabka sida sow ma,aha arinaataas majaxaabin dawlada Soomaaliya iyo kala diris dhammaan waxa hadda noo shaqeynaaya?

7-Ku darsada in Keenya Biyaha iyo dhulka Jubalaand ciidankeeda badda iyo dhulka ku soo daadgureyneysay dhawrkii maalmood ee ina dhaafay.

Sidaas awgeed isweydiin mayno in ay yihiin xaraashqaran, waayo haddii lixjeclo ka hayso in ay madax ka noqdaan dalkaan cadaw uma faylagooyeen.doorashadana ma hortaagnaadeen,ciidamada qalbka sidana kuma sheegen cadaw ayayyagu leyihiin,waayo Keenya iyo imaaraadka baa cabsi iyo welwel ka muujiyey cududa Danad,gorgor iyo haramcad ee koreysa maxay ayyagu ku qoonsadeen?Ma qarsoona oo waa tii horey loo yiri(CADAWGAAGA CADAWGI WAA SAAXIIBKAA),sidaas awgeed cadawga doonaaya dhulka iyo biyaha Soomaaliya iyo nimankaan xaraashqaran waa isku dan iyo saaxiib ee  dhaxalka caruurtayada ma ka ilaashanaa?Fadlan sheergaree.

Wabilaahi Towfiiq,

Dhiblaawe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.