
Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa aaladda fogaan aragga shir muhiim ah kula yeeshay Safiirka cusub ee Dowladda UK ee Soomaaliya Danjire Kate_Foster iyo mas’uuliyiin kale oo arimaha horumarinta u qaabilsan UK.
“Waxa aan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka wada shaqeyn ee Dowladda UK, dib-u-habeynta Maaliyadda iyo xaaladaha deg degga ah ee COVID-19 oo hada dhibaato xooggan ku haya bulshada Soomaaliyeed”. Ayuu yiri Wasiir Beyle.
Wasiir Beyle ayaa xusay in Dowladda UK ay ka mid tahay saaxibada Soomaaliya ee muhiimka u ah horumarka Soomaaliya, isla markaana garab taagan mar waliba.



Leave a Reply