Wasiiro Ka Tirsan Galmudug oo lagu soo dhaweeyey Magaalada Wardheer ee DDS

waayeel

Waxaa lagu soo dhaweeyay Degmada Wardheer ee xarunta gobolka Doollo, wafdi ka socday dowlad goboleedka Gal-mudug ee Soomaaliya, Waftigan ayaa ka kooban Xubno Wasiiro sida wasiiradaha Arrimaha Gudaha, Amniga, Ganacsiga iyo Caafimaadka.

Wafdigan, waxaa degmada Wardheer ku soo dhaweeyay Hogaanka Nabadgalyada DDS, Dr Xusseen Xaashi iyo xubno ka tirsan golaha wasiiradda DDS iyo dad-wayne kale.

Ujeedada Socdaalka waftiga Wasiirada Galmudug ayaa ka danbeeyay kadib markii casuumaad ay u fidisay xukuumadda Dowlada Deegaanka Soomaalida waxaana lagu wadaa in ay yeeshaan kulan lagaga hadlayo ka shaqaynta amniga labada dhinac, xoojinta xiriirka ganacsi iyo iskaashiga labada deegaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.