Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Degaanka iyo Isbeddelka Cimilada Maamul goboleedka soomaaliyeed ee Puntland, ayaa loogu tacsiyaysay Geerida lix libaax oo lagu dilay Gudaha Dalka Uganada.
Wasaaradda Deegaanka Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland waxay ummada bariga africa gaar ahaan shacabka Uganda uga tacsiyeynaysaa dhimashada 6 libaax. Wasaaraddu waxay sheegtay in dhimashada Libaaxyadaas ay sii kordhinayso hoos u dhaca kala duwanaanta noolaha iyo dheelli-tir la’aanta degaanka.
Waxa xusid mudan 27 February 2021, gudaha xarunta wasaaradda Degaanka Puntland si arxan-darro ah loogu dhex dilay Haramcad yar oo halkaas ku noolaa, islamarkaana aysan Wasaaraddu weli ka hadlin.
Leave a Reply