DADKA SOOMAALIDA WAX BADAN AYAA TALADU SEEGTAY OO AY DANTA GUUD DAYACEEN IYAGA OO BEENTA U HIILLIYEY, RUNTANA KA HIILLIYEY AMA XAQA KA HIILLIYEY BAADDILKANA U HIILLIYEY. SABABAHA UGU WACANNA WAXAA KA MID AH:- IYAGA OO AAN DHAQAN U LAHAYN IN AY DAN GUUD KA FAKARAAN BALSE TAAS BADDALKEEDA KU SOO ABABAY QAABIILO YAR-YER OO MEEL KU QOQOBAN OO AAN XATAA DHAGAHA KA MAQLIN WAX DAN GUUD LA YIRAAHDO ISKABA DA’AA IN AY NAFTA U-HURAANE.
WAA RUN OO DADKU WAA KALA MAN, LAAKIIN DANTA GUUD WAA MID-QUDH AH, HADII QOLADA MAANKOODU QARIBAN YAHAY AMA XAMBAARSAN YAHAY UJEEDDA XUNU, AMABA DANA SHISHEEYE FULINAYA WAX KASTABA HA KU XAMBAARENE AY ADKAATO WAA LADAAYA, HADDIISE QOLADA TOOSANE ADKAATO WAA LADA BADHAADHAYAA.
TANASULKA DAWLADDA.
QOFNA IIGAMA BAAHNA INAAN SHEEGO INTA JEER EE AY DOWLADA MAANTA MAAMULKA HAYSAA TANASUSHAY. TIRO WAA TOTOBA JEER. WAXAA U HOREEYEY HAL QOF IYO HAL COD OO LABA DARAJO OO KALE SAREYSA AH. WAXAA U DAMBEEYEY MAGAN GALYO XALANE IYO VILO SOOMAALIYA MA RAMNEE TEENDHADA SHIRKA HA LAGU QABTO IYO ASKARTA AMISON AMAANKA HA ILAALISO. DADKA SOOMAALIYEEDOW, MA WAX QIIMARIDID IYO BAHDIL AH OO DADKEENNA IYO DALKEENNA IYO WALIBA DAWLADNIMADEENA U HARAY BAA JIRA!.
XAALKU WAX KALE MAHA EE WAXAA MUCAARADKU FULINAYAA AMAR KOR KA SOO BAXAY EE CADAWGA AAN QARSOONAYN EE DUULAANKA CAD KU SOO QAADAY BADDEENNA IYO BIRRIGEENNA IYO WALIBA MIDNINADEENNA KUWAAS HUBSADAY HADDII DOORASHO LA QABTO NOOC KASTA HA NOQOTEE INAY KASOO BAXAYSO NATIIJO AYNA KU FARXAYN (LIIBAANOOYIN MAXAAD SUGEEYSAAN?-!!!
HADDABA MAHARIN HADAL-LEYS-YIRAAHDAA
TALO SOOJEEDINTEYDA KA HOR WAXAAN IDINLA WADAAGAYAA SHEEGO GAABAN OO ARRINTAAN U-EEG WAANA SIDAAN HOOS KU QORAN.
(RAG AAN KA MID AHAY OO DOOBAB AH AYAA NIN KARIYE AH SHAQO SIIYEY, NINKA MAGACIISA WAXAA LA ORANJIREY SHARIIF IBNU SHARIIF, TOTOBAADKII U HOREEYEYBA WAXAAN OGAANNAY IN UU NA KHIYAAMAY, WAXAAN U SAARNAY GUDDI LA XISAABTAMA, WAXAA LA WEYDIIYEY WAXA UU KU SOO GADAY LACAGTII MAANTA LOO DHIIBAY? WUXUU SHEEGAY INUU 4KG OO BASTO EE MIDDIIBA 2 SHIN TAHAY SOO GADAY. WAXAA LA WEYDDIIYE, 4X2 WAA MEEQA? WAXUU KU JAWAABEY WAA 15 SHIN. SI KASTA WAA LA YEELAY OO 4X2 WAA 8 WAA LA S00 MARSIIN WAAYEY WAXAA LA WAYDIIYEY MAXAAD KALOO SOO GADDEY? WUXUU KU JAWAABEY 2 KG OO SALIID AH. WAXAA LA WEYDIIYE MEQAAD KG-BA KASOO BIXISAY? WAXUU KU JAWAABEY 2 SHIN KG-BA. WAXAA LA WEYDIIYEY MEEQAY ISKU NOQDEEN? WUXUUKU JAWAABEY 9 SHIN. WAXAA NOO CADDAATAY IN UUNA AHAYN SHARIIF BINU SHARIIF LAAKIIN UU YAHAY TUUG BINU TUUG. WAANA ERINNAY).
TATO BIXIN QAYLA DHAAN XAMBAATSAN!
DAWLADDU HA AMARTO IN JAAJUUSIINTA BARIGE-KA SAMAYSTAY AY MAGAN-GALYO SIYAASADEED XALANE KU JIRAAN HADDEY KA SOO BAXAAN MAXKAMAD LA SOO TAAGI DOONO.
CIIDAMADA QAA’IMIINTO WADATO WAXAAN KULA TALINAYAA IN AY DAWLADOODA KU BIIRAAN`. WAXAAN DHALLIN YARADAAS XASUUSINAYAA, IN CAALAMKA OO DHAN CIIDAMADIISO AYNA TAAGEERIN KHAA’IN WADDAAN, LAAKIIN WAXAA CAADI AH IN CIIDAMADU KHA’IN WADDANKA XIRAAN TASUNA WAA SABABTA AY CALANKA QARANKA QOORTA UGU WATAAAN.
WIILASHAYADOW LIBINTAAN MAR LA ARAGTA AH EE AAD HAYSATAAN HA ISKA DHUMININA . WAXAA KALE OO XUSID MUDAN, HADDAAD HAL XABBAD RIDDAAN KULIGIIN WAA DHIMANAYSAAN DABCAN WAXNA WAA DILAYSAAN LAAKIIN GEERIDA KA GADAAL MAXAY HADAL HAYNTIINO NOQON DOONTAA ………?
SHACABKA SOOMAALIYEED WAXAAN U SOO JEEDINAYAA EE WALIBA KU ADKEYNAYAA INAY BANNAANBAX KA DHIGAAN DALKOOD DHAN. MAADAAMA CUDUR XUMU JIRO, WAXAAN IDIIN HINDISAYAA NOOC CUSUB OO BANNANBAX AH. QOYS KASTABA HOYGOODA HORTIISA HA SOO SAFTEEN HANA KU DHAWAAQO SI COD DHEER AH (CADOWGA SOOMALIYEED HA JABO, KAN USHAQEEYAANA HA KA HORMARO. G/BANAADIR OO HEELANAATODA QARANIMO LOO BOGAY, HA QORSHEEYO IN BANAANBUXO DHACO DAQIIQAD ISKU MID AH DIYAARAD KOR KA SAWIRTANA HA IJAAREEN, WARIYAASHANA HA U OGOLAADEEN IN AY SHAQADOODA QABSADAAN.
GOLAHA SHACABKA PUNTALAND IYO KAN JUBBA LAND WAXAAN KULA TALINAYA IN AYDAAN NOQON SALLANKA LAGU KORO MEESHII NALKA SOMAALIYA LAGA DAMIN LAHAA, WAXAAN OGNAHAY IYO WAX KA BADANBA WAAD OGTIHIIN EE YAAN HUNGIRI IDIN DUUFSAN. MAGAC IYO MANAFACAADBA WAAD KA BADSANEYSAA SIDA AAD HADDA TIHIIN.
(nin hunguri u-iisha inuu harayo WEEYAN)
(haruubkii laqaadaba inuu daba hubleyn weeye.)
(sidii nayla heeca ah in hakagagaflayn weeye)
(koortuu hunkooba in hoogey urab weeye).
(kuley hooyadiistay inuu iib-ku-holin weeye)
UGU DABAYN WAXAAN TABABARAYAA RAGGA MASIIRKA UMADDOODA MUSQUSHA GEYNAYA.
RAGGAS WAXAA KU FILAN SHEEKADAAN:-
- `KALI TALIYIHII DALKA FARANSIISKA U DHASHAY EE LAGU MAGACAABI JIREY GENERAL NAPOLEON BONAPARTE EE KACAANKII FARANSISKA KA DIB SOO CAAN BAXAY YURUB IYO DUNIDA INTEEDA BADANA SAAMAYN KU YEESHAY AYAA MAGAALADA LONDON INTEEDA BADAN DAAGAL KU QABSADAY INTII U DHEXAY 1803-1805 WUU SALDHIG KA DHIGTAY STATION-KA TEREENNADA EE LOO YAQAAN (WATER LOO) EE GALBEED LODON KU YAAL. INTII DAGAALKU SOCDAY AYAA WASIIR KA TIRSANAA DAWLADDII ENGLISH-KA EE MARKAAS JIRTAY JAAJUUS U NOQDAY
MARKII WERARKII GULESTAY, AYAA WASIIRKII XAQIRNAA U YIMID NAPOLEON USAGOO DOONAYA SOORTII QUUREED EE UU SHAQAYSTAY. L00 ADEEGIHII LACAG ISKU XIRAN AYUU CAGAHA KORKOOD U SAARAY ADEEGIHII, OO KU YIRI LACAGTAAS U QAADO DHIIGGII AAD KA DAADISAY UMADAADA. ADEEGII WUXUU YIRI ‘MAXAAD CAGTA WAX IIGU SIISAY ANIGOO QALBIGA WAX KUGU SIIYEY? NAPOLEON WUXUU UGU JAWAABEY :- WAXA AAN KU SIIYEY WAA WIXII AAD U BAAHNEYD WAXAAN KAA DHAAFSATAY QARAN JABKII UMADDAADA. ADNA WAXAAD ISIISAY WIXII AAN U BAAHNA WAANA GUUSHA MUDDAYDA. WUXUU YIRO ISAGOO HADALKII SII WATA SHAQADAA AAD II QABATAY, WAXAA IGA DIIDAY 3 WASIIR DAWLADA ENGLAND KA TIRSAN WALIBA LABA KA MID AHU WAA ISOO CAAYEEN MARKII FARIINTAYDU U TAGTAY, HADDAY MAANTA II YIMADAAN FADHIGAAN UGA KACAYAA LAAKIIN HAL (POUND) SIIN MAYO MAXAA WACAY WAXA AY DOONAYAAN MAAHA HUNGURI EE SHARAF.
WAXAA QORAY WAX BADAN OGE
20/03/21
Leave a Reply