Waxaa muuqda khataro farabadan ee ku gadaaman arimaha Soomaliya,welwel aad ah ayey leedahay, waa mid xambaarsan murgo aan yarayn, haddii ay jirto damiir u damqanaaya qaranimada iyo dawladnimadayada waa arin mudan in la qaado tilaabo dhiig joojina oo deg deg ah waa waajid wadareed aan cidna lagu halayn Karin laakiin na wada saaran dawlad iyo shacab intab laakiin qolo kasta leedahay kaalin kaga aadan.
Aan dulucda abaaree labada dibolomaasi ee Swan iyo Yoomamoota, waxay si aad ah faraha ula galeen arimaha Soomaaliya ayyaga oo ka faa,ideysanayey madax iyo siyaasiyiin shisheeye u adeegayaal ah ,waxaa ii cadaatay in labada nin ee sare ku xusan iyo kooxda Burburqaran ay wada shaqeeyaan, haddii wax shaki ah ku jirana maanta ayey kala caddaan doontaa.
Waa arin leh raadraac iyo cadaymo (REFERENCE AND EVEDENCE) waxaana nagu filan inta jeer ee ay isaga daba noqdeen Puntiland iyo Jubalaandh iyo inta ay shir la qaateen qaybta ka mid ah Burburqaran ee saldhigoodu yahay Modishow, waxay iskaga kaayo dhigeen xaldoon doorasho, arintu saas iiguma muuqato ee waxay ila tahay In ay u wada shaqeynayeeyn shisheeyaha damaca waalan ka leh dalkayaga ee Keenya iyo Imaaraadka.
Ugu denbayn waxay qorsheeyeen arimahaan oo ay uga golahaayeen in ay dhameystiraan hawl safardii iyo shirarkii Xamar dhameystirka u ahayd.
1-Deni iyo Madoobe Waxay keeneen Xamar ayyaga oo dejiyey Xalane.
2-Waxay Xalane iskugu keeneen Deni,Madoobe iyo Burburqaran qaybtii Xamar saldhigu u ahaa.
3-Waxaa Xalane lagu aas aasay Jabhad cinqilaabta dawlada dalka ka jirta.
4-Dawlada Soomaaliya waxay u tanaasushay in xarunteedii inta ka tagto ,halkii ay dejiyeen madaxda Buntilaandhi iyo jubalaandhi ay shir uga qaybgalaan,taas oo ay ka dhalatay in Axmed iyo Deni oo dhawr mitir u jira Meesha shirka imaan waayaan oo diidaan.
Haddaba haddii ay qaadaan tilaabo shacbiga iyo dawlada Soomaaliya qancisa oo ay soo dhaweeyaan in la ciqaabo kooxda Burburqaran, waa hagaa ,haddiise ay wax kale la yimaadaan waxaan Dawladayada iyo shacbigeeda u soo jeedinayaa sidaan.
(HADDAAD DHIMANEYSID DHAREERKA WAA LAYSKA DUWAA) dawlada waxaan leeyahay
1-Ha loo qoro qoraal Swan iyo yoomamoota sababta suurtagelisay in Jabhad cinqilaabta Dawlada Soomaaliya loogaga dhawaaqay Xalane gudahiisa ayada oo la ogeysiinaayo ciddii soo dirsatay,wixii ka soo baxana ha ku tashato falcelinteeda.
2-Shacbiga Soomaaliyeed waxaa la gudboon meel ay a joogaanba in ay ku banaanabaxaan Jamciyada qaruumaha ka dhaxaysa iyo USA xarumadooda dal iyo dibadba, haddii aanan saas yeelin oo dareenkeena muujin damaca Keenya iyo imaaraadku ka leeyihiin dal kayaga bay nagu fulinayaa swan iyo Yoomamoota.
FIIRAG GAAR AH SWAN WUXUU GANACSI KU LEEYAHAY Keenya oo ay shirko yihiin uhuuru, mana noqon karo dhexdhexaad,YOOMAMOOTANA ASAGA AYUU LA SHAQAYNAYAA.(WALEE NIN HURDOOW HALOOWDAY DANTAA,HADHAWNA SI LOO HEELAA ADAG!!!
Swan iyo Yamamoto waa 2
Nin oo safiiro ah
24 hrs buu dalka logasari karaa wal wal majiro
UN waa organisation aan
Lahayen awood uu faraha
Lagalo dalkale us waa dal
Aan ku xadgubi karin dalkale
Because interview law
Farmaajo wuu guulaystay
Dani jaajus waa nin aay puntland ku hungobeen runtii
Waxay ahayed inuu puntland
Dhibka jiro uhadlo nociisa
Waa xayawan cayilay