Galmudug oo Dhuusamareeb ka daahfurtay Tababar ku saabsan Nabada iyo isdhexgalka bulshada

waayeel

Wasiirka wasaarrada Arimaha Gudaha fadaraalka iyo Dib u Heshiisinta galmudug cabdi maxamed jaamac (waayeel) ayaa Magaalada Dhuusamareeb ka daahfurtay Tababar ku saabsan Wacyi galinta Nabada iyo isdhexgalka Bulshada ee Dowlad goboleedka Galmudug.

Tababarkan oo loo qabanyo xubno kamid ah shaqaalaha Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Qaar kamida Dhalinyarada aqoonyahanka ah ayaa inta uu socso lagu barayaa Taaba Galinta Nabada iyo wada Noo laanshaha Bulshada.

Wasiirka Wasaarada Arimaha gudaha Federaalka iyo dib uheshiisiinta Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac (Abdi Waayeel) Oo furay Tababarkaan ayaa dul istaagay Muhiimada Maamulka galmudug ay Uleedahy in dhalinyaradu ay ka qeyb qaataan Nabadeynta deegaanka iyo isdhexgalka Bulshada islamarkaana umahad celiyay cid kasta oo gacan ka geysatay qabsoomida Tababarkan.

Siminaarkan ayaa Socon doona mudo 10 maalmood ah iyadoona Dhalintan ka qeyb galeysa loo carbin doono kor u qaasista wacyi galinta bulshada iyo Taaba galinta Nabadda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.