Dowlada Soomaliya oo cambaareysay weerarkii Deni ku qaaday Shacabka Dhahar

deni

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay talaabadii ay ciidanka Puntland rasaas ugu fureen qaar kamid ah bulshada magaalada Dhahar oo dhigaayey bananbax ay ku taageerayaan Dowlada soomaaliya kagana soo horjeedeen Hogaamiye Deni.

Qoraal ay baahisay wakaalada wararka Soomaaliya ee Sonna ayaa u qornaa Sidaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aad uga xun tahay falkii foosha xumaa ee maanta ka dhacay magaalada Dhahar ee Gobolka Sanaag oo ay ciidamada Amniga Puntland si ula kac ah xoog iyo xabad ugu adeegsadeen bulshada ku dhaqan magaaladaas oo samaynayay banaanbax nabadeed.

Fal kasta oo waxyeello loogu geysanayo shacab aan hub wadan waa mid aan la aqbali karin.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku baaqaysaa in la ilaaliyo nabadda iyo xasiloonida, shacabkana la dhawro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.