Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa Deggan Mohammad oo ah Gabar baare ah oo ka tirsan hay’ adda booliska puntland una qaabilsan dambi baarista Qaybta dumarka iyo Caruurta Gaar ahaan kiisaska kufsiga ah ayaa xarig iyo jirdil loogu gaystay Saldhiga bartamaha Garoowe.
Xariga iyo jirdilka Deggana Maxamed ayaa salka ku haya kiis kufsi ah oo 9 Nin u gaysteen Qof dumar kaas oo ay baare ka ahayd Sida ay Sheegtay Deggan ayaa dhibana u ah kiiskan oo mudo 2 bilood ah soo socday iyada oo ujeedkeedu ahaa in kiiskan kufsiga hab sharci ah ku soo dhaamaado.
Deggan Maxamed Waxaa jirdilka u gaysteen Qaar kamida ciidanka Saldhiga garoowe oo rabay in ay tirtirto ama faraha kala baxdo Kiis kufsi ah oo ay baare ka ahayd.
Gudoomiyaha Difaaca Xuquuqul aadanaha Puntland Saciid muumin ayaa isbitaalka Garoowe ku booqday Deggan Maxamed oo lagu daaweynayo.
Leave a Reply