Munaasabad kooban oo lagu qabtay degmada afgooye ayaa taliska ciidamadda amisom ku wareejiyey masuuliyada taliskii degmada afgooye,munaasabada ayaa waxaa ka qeyb galay taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka, taliye ku xigeenka ciidanka amisom, taliyaha qeybta 12 April, taliyaha sector 1 Amisom taliyah guudata 1aad qeybta 12 Aril guddoomiyaha gobolka shabeelada hoose, gudoomiyaha degmada afgooye iyo saraakiil katirsan ciidanka xoogga iyo booliska.
ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay taliyaha sector one Amison genaral nabasa isagoona sheegay in ay ku faraxsan yihiin in maanta ciidanka difaaca dhulka xooga dalka soomaaliyeed ku wareejiyaaan guud ahaan amaanka degmada afgooye ee gobolka shabeelaha hoose.
Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka soomaliyeed Jenaral Maxamed Tahliil Biixi ayaa uga mahadceliyey ciidnaka amisom sida ay u soo gaarsiiyeen ciidanka xoogga dalka oo maanta awood u leh in ay kala wareegaan amniga guud ee dalka madaamaa uu socda qorasha amaanka guud ee dalka ay kula wareegayaan ciidanka xoogga dalka.
sidoo kale taliye ku xigeenka ciidanka amisom Jenaraal shume ayaa si rasmi ah ugu wareejiyey taliska ciidanka dhulka xooga dalka masuuliyada guud ee taliska afgooye.
guddomiyaha gobolka shabeeladaha hoose Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii oo munaasada goobjoog ka ahaa ayaa ugu mahadceliyey talisyada maanta la kala wareegay masuuliyada amniga degmada afgooye iyo tan gobolka intaba
Leave a Reply