Muqdisho:Hoobiyaal ay soo tuureen shabab oo qasaaro ka soo gaareen dad shacaba

shabab

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Tiro Hoobiyaal Saaka lagu garaacay xaafad u dhow xarunta Xalane ee ay degan yihiin Beesha calaamka waxaana ka dhashay khasaro kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac leh.

Labo qof oo kala ah, aabe iyo wiilkiisa oo umul lagula jirey ayaa geeriyooday, halka shan kale ay dhaawacmeen ka dib markii saaka hoobiyeyaal ay soo tuureen Alshabaab ku dhaceen xaafad dad shacabka degan yihiin oo ku taala degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, sida ay sheegeen ehelada.

Hoobiye ku dhacay guri ay degan yihiin qoys ka kooban sideen xubnood, ayaa waxaa ka geeriyooday Allah u naxariistee, Cumar Aamin Maxamed iyo wiilkiisa, sidoo kale waxaa dhaawacantay afadiisa oo umul aheyd.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.