Maamulka Galmudug ayaa waxay si kulul uga hadleen aflagaadadii ay wasiiro ka tirsan maamulka Puntland ay ugu gaysteen Sadexda Maamul goboleed ee kala ah Hirshabeele, Galmudug iyo koonfur galbeed.
Wasiiro iyo Masuuliyiin sare oo ka tirsan Puntland ayaa ku tilmaamay Sadexda Maamul goboleed ee kala ah Hirshabeele, Koonfurgalbeed iyo Galmudug dowlado daciifa oo meel ay maamulaan aysan jirin, kana amar qaata Madaxwayne Farmaajo.
Wasiirka Wasaarada Amniga galmudug Axmed Macali fiqi ayaa waxuu Cambaareeyey hadalkii kasoo baxay wasiirada Puntland waxuuna ka codsaday inay Raali Galin ka Bixiyaan aflagaadadii ay Maamul Goboleedyada u gaysteen.
Leave a Reply