Waxaa gebo gebo ku dhow dhismaha cusub ee Towerka garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo, kaas oo wax ka bedeli doona baahiyihii adeeg iyo hagida diyaaradaha u kala goosha Deeganada Koonfurgalbeed iyo dalka intiisa kale.
Wasiirka gaadiidka koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed ( Eeley) oo kormeer ku tagay garoonka diyaaradaha Baydhabo ayaa sheegey in howlo badan ay ka socdaan garoonka, dhamaan howlihiisa ay shirkad gaar ah ku wareejiyeen oo wax weyn ka bedeli doonta baahiyihii adeeg ee uu garoonkaan qabey.
Leave a Reply