Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xerada Xalane ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa goor dhow uu Shir gaar ah uga furmay Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada Hirshabeele, Galmudug, Jubbaland, koonfurgalbeed iyo Puntland.
Shirka ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda siyaasadda dalka, gaar ahaan khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada ka dhaceysa Soomaaliya ee aan weli heshiis laga gaarin.
Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi farmaajo ayaa ergo ahaan waxuu madaxda Maamul goboleedyada Hirshabeele, Galmudug iyo Koonfurgalbeed ugu diray inay la kulmaan Madaxwaynaasha Jubbaland iyo Puntland si ay uga soo qayb galaan Shirka u dhaxeeya madaxda Dowlada iyo maamul goboleedyada ee loo dhan yahay.
Leave a Reply