
Ciidamada Kumaandooska Danab ee xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan ku qaaday Tuulooyin hoostaga deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha, halkaas oo ay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.
Ciidanka ayaa ku dhaqaaqay tuulada Buulo Xaaji oo hoostaga deegaanka Janaale ka dib markii ay ka war heleen maleeshiyaad ka tirsan argagixisada Al-Shabaab oo halkaas ku dhuumaaleysanaya.
Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayay ciidanka Xoogga dalka ku dileen horjoogihii Qaraxyada Al-Shabaab, kaas oo lagu magacaabo Ismaaciil Jiis iyo 10-maleeshiyo oo la joogay,sida lagu daabacay Idaacadda ciidamada qalabka sda.
Leave a Reply