
Taliyaha ciidanka xoogga dalka, sareeyo guuto Odowaa Yuusuf Raage, ayaa taliyaha howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM) kala hadlay xoojinta kor u qaadista tababarka ciidanka xoogga , ka dib kulan ay ku yeesheen xarunta wasaaradda gaashaandhigga.
Howlgalka Midowga Yurub u qaabilsan tababarada ciidanka xoogga dalka ayaa ka shaqeeya sare u qaadista tayada iyo qalabka ciidanka.
Taliyaha ayaa saraakiisha EUTM ugu mahad celiyay taageerada ay siiyaan taliska ciidanka xoogga isagoo ka codsaday in ay sii labo laabaan shaqada dib u dhiska ciidanka xoogga dalka.
Saraakiisha howlgalka EUTM ayaa dhankooda muujiyay sida ay ugu qanacsan wada shaqeynta kala dhaxeysa taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.


Leave a Reply