Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka General Maxamed Tahliil Biixi ayaa sheegay dagaalkii saaka ka dhacay Bariire iyo Awdheegle lagu dilay 76 ka tirsan Khawaarijta Al-shabaab isla markaana ku dhawaad 10 maxaabiis ah oo qaar dhaawac yihiin ciidanku gacanta ku hayo.
Taliye Biixi waxaa uu intaas ku daray in jabkii ugu xooganaa ebed lagu gaarsiiyey Argagixisada Al-shabaab dagaaladii maanta dhacay.
Kooxda Al-shaab ayaa saqdii dhexe ee xalay werar gaadma ah kusoo qaaday deegaanadda Bariiri iyo Awdheegle hase ahaate Ciidamada Xoogga gaar ahaan kuwa Gor-Gor iyo 14-ka octobar ayaa qasaaro xoogan gaarsiisay isla markaana fashilayay weerarkii ay soo qaadeen.
Leave a Reply