Madaxwaynaha soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa furay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhamaystirka Doorashooyinka kaas oo saaka ka furmay xarunta ciidaanka Cirka soomaaliya ee Afisyoone.
Madaxwaynaaysha Jubbaland iyo Puntland ayaa diiday inay saxaafadu soo gasho shirka lamana garayo waxa ay ku diideen.
Wasiirka Warfaafinta X.F.S Cismaan Abokor Dubbe oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa faah-faahin Ka bixiyay furitaanka shirkan oo uu ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaa oo u dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka, Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Leave a Reply