Qof Nafti halige ah ayaa isku qarxiyay goob maqaaxi ah oo ay ku shaahiyaynayeen dad rayid ah, halkaasi oo ay ku dhinteen 6 ruux oo uu ku jiro canug saqiir ah iyo dhagarqabihii falka genstat.
Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali ayaa Warbaahinta u sheegay in falka ay ku dhinteen lix ruux oo uu ku jiray naftii haligaha falka ka dambeeyay.
“Caawa abaare 19:00 fiidnimo, ayaa naftii halige isku qarxiyay goob shaah laga cabo, oo dhalinyaro isugu timaado, qasaaraha qaraxa ayaa ah 6 dhimasho ah (4 Dhallinyaro ah, 1 wiil saqiir ah iyo naftii haligihii) iyo dhaawaca 4 kale, barxada 5ta geed ee agagaarka Saldhiga Boliiska Degmada Shangaani”. Ayuu yiri Afhayeenka ciidanka Booliska oo hadalkiisa ku daray “Alaha u naxariisto Ummadda aan waxba galabsan oo argagaixisadu weerartay”
Leave a Reply