Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib-u-hishiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Odayaasha Dhaqanka Beelaha dagga Jubaland iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Dowlad Gobolkeedka Jubbaland.
Odayaal dhaqameedka iyo siyaasiinta ka soo jeeda maamlkaas ayaa u gudbiyay Wasiirka Wasaaradda cabashooyin ku aaddan sida ay ku dhisantahay Dowlad Goboleedka Jubbaland. Sidoo kale waxaa ay caddeeyeen in aysan ku qanacsaneyn guud ahaan Maamulka Jubbaland, Isla markaana ay daneynayaan maamul lagu dhiso si wada ogal ah, damaanad qaadi kara Nabadgalyadooda iyo isku haynta wada jirkooda iyo horumarkooda, shacabka ku dhaqan maamulka Jubbaland.
Ugu dambayn, Wasiir Mukhtaar ayaa ka dhageeystay cabashooyinka ay soo gudbiyeeyn odayaasha dhaqanka iyo siyaasiinta ku wehliyay kulanka ay la qaateeyn Wasiirka.
Leave a Reply